Khamiis 10-Oct- 2024 {CBB}Maamulka Degmada Bardaale ayaa burburiyey guryo ay sheegeen in si sharci daro ah loogu dhisey Hareeraha wadooyinka oo uu Maamulka haatan ku wado dhismo iyo baraalin.
Degmada Bardaale ayaa waxaa ka socdey dhismayaasha wadooyinka, kuwaasi oo Maamulka sheegey in la gaarsiin doono dhamaan jidadka dhexmara Xaafadaha Degmada.
Guddoomiye ku xigeenada arrimaha bulshada iyo maamulka iyo maaliyadda degmada Berdeelle ayaa ka hadlay bur burinta dhismiyaasha soo galay waddooyinka.
Maamulka ayaa bulshada ugu baaqay in ay ka waantowaan dhismooyinka sharci dara ah, lagu dadaalo sidii looga shaqeyn lahaa bilicda iyo horumarinta waddooyinka degmada.
“Maamulka guud ahaan degmada Berdaalle waxay rabaan in ay ka soo saraan waddooyin isla mari karaan dadka iyo gaadiidka, taasi oo looga baahan yahay shacabka iyo maamulka degmada, ogaada guri ama dhismo kasta oo si sharcidaro ah meel loogu dhisso waxaa u dambeyn doontaa in lagaa dumiyo”
Dhawaan degmada Berdaale waxaa dib loogu celiyay Maxamed Isaaq Cara case asigoo ka soo degay xilka maamulka gobolka Baay, Cara case oo muddo soo maamulaayay degmada Berdaalle, hadda waxaa uu qorshihiisa yahay in wax weyn laga bedelo dhismiyaasa soo galay waddooyinka.