Khamiis 10-Oct- 2024 {CBB}Ciidanka Xoogga dalka ayaa xaqiijiyay in ay howlgallo ka dhan AS ka sameeyeen deegaanno dhaca gobolada Baay iyo Bakool ee Koofur Galbeed Soomaaliya.
Saraakiisha ciidamada ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgaladan, iyagoo tilmaamay in ay si gaar ah uga fuliyeen deegaannada Ceelshariif, Mooro-Busle, iyo Ceel-Mareere, kuwaas oo ku yaala inta u dhexeysa degmada Bardaale iyo deegaanka Goofguduud Buurey.
Howlgalladan ayaa ah kuwo qorsheysan oo lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida gobolka. Taliyaha Ururka 47aad ee Guutada 8-aad, laba xidigle Axmed Maxamed Nuur, ayaa sheegay in howlgaladu ay qayb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo amniga, khasaarena ay ku gaarsiiyeen xubnaha AS.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ay ka wadaan deegaannada maamulka Koofur Galbeed oo qeybo ka mid ah AS go’doomiyeen.