Khamiis 10-Oct- 2024 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku sugan magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eretariya. Socdaalka madaxweynaha ayaa ah mid hore loo qorsheeyay, iyadoo la filayo in maanta uu la kulmo Madaxweynaha Eretariya, Isaias Afwerki, iyo xubno ka tirsan dowladda Eretariya.
Kulamadan ayaa la qorsheynayaa in looga hadlo xoojinta xiriirka labada dal, iyadoo diiradda la saari doono iskaashiga dhaqaale, amni, iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika xilli ay taagan tahay xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya.
Kulamadan ayaa sidoo kale fursad u ah in la dhiso iskaashi cusub iyo in la xoojiyo xiriirka labad dal, taas oo muhiim u ah nabadgelyada iyo horumarka gobolka Geeska Afrika.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa tan iyo markii la doortay 15 May ee sannadkii 2022 wuxuu safarro kala duwan ku tagey dalka Eretariya toddob jeer, isaga oo kormeeray xeryo ay ku sugan yihiin ciidamada Soomaalida.
Dowladda Eritrea ayaa ka mid ah dowladaha ka taageera Soomaaliya dhinaca amniga, iyada oo si gaar ah tababaro u siineysa cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka.