Khamiis 25, June2026{CBB}Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeybgalay munaasabad calan-saar ah oo lagu maamuusayay xuska 26-ka Juun maalintii gobannimada gobollada waqooyi ee Soomaaliya.
Munaasabadda oo ay ka soo qeybgaleen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed iyo saraakiisha hay’addaha amniga ayaa lagu muujiyey muhiimadda maalintan taariikhiga ah ee ku weyn shacabka Soomaaliyeed.
Cutubyo ka tirsan Qeybta 60-aad Ciidanka Xooga Dalka ayaa calanka buluugga ah saaray, kaas oo astaan u ah midnimada, gobannimada iyo himilada shacabka Soomaaliyeed, waxaana taagistiisu qeyb ka tahay xusaska qaran ee sannad kasta lagu maamuuso maalmaha xorriyadda Soomaaliya.
Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda 26-ka Juun, isagoo xusay in maalintani ay astaan u tahay halgankii gobannimo-doonka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.
Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku baaqay in la adkeeyo wadajirka, nabadda, horumarka iyo ilaalinta midnimada dalka, si loo xaqiijiyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.








