Home WARARKA MAANTA Agaasimaha Nabadsugidda, Mahad Salaad oo Dhagax dhigay Xarunta NISA ee Caabudwaaq

Agaasimaha Nabadsugidda, Mahad Salaad oo Dhagax dhigay Xarunta NISA ee Caabudwaaq

2
0

 Axad June 28, 2026 {CBB}Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka & Nabadsugidda Qaranka, Mahad Maxamed Salaad oo ay wehliyeen mas’uuliyiin kala duwan ayaa si wadajir ah u dhagax-dhigay Xarunta NISA ee Degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Xaruntaan waxa ay noqonaysaa xero ay degayaan ciidanka Sirdoonka iyo goob lagu tababarayo Ciidamada katirsan hay’addaas, waxaana lagu sheegay ujeedka loo dhisayo dedaallada lagu xoojinayo Amniga Dalka si loo ballaariyo xarumaha NISA.

Xildhibaanno katirsan Dowladda Federaalka kana soo jeeda Gobolka Galgaduud oo wehliyay Agaasimaha NISA, Mahad Maxamed Salaad ayaa bogaadiyay tallaabadaan iyaga oo dadka degmada Caabudwaaq ka codsaday in ay kaalintooda ka qaataan.

Mahad Maxamed Salaad ayaa kulamo kala duwan la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada degmooyinka uu tagay ee Dowlad-Goboleedka Galmudug, waxyaabaha uu kala hadlay waxaa sal u ah adkaynta nabadgalyada iyo la shaqaynta Hay’adaha ammaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here