Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Baydhabo oo martigelinaysa Madasha Arrimaha Bini-aadannimada Soomaaliya (CHF 2026)

Sawiro;-Baydhabo oo martigelinaysa Madasha Arrimaha Bini-aadannimada Soomaaliya (CHF 2026)

2
0

Axad June 28, 2026 {CBB}Baydhabo, Juun 28, 2026 – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo lagu qaban doono Madasha Arrimaha Bini-aadannimada Soomaaliya (CHF 2026).

Wafdiga Guddoomiyaha waxaa qeyb ka ah Wasiirrada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee dowlad-goboleedyada dalka, kuwaas oo u yimid ka qeybgalka madashan muhiimka ah ee looga arrinsanayo xaaladaha bini-aadannimo ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta wafdiga ayaa waxaa garoonka Baydhabo ku soo dhaweeyay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Koonfur Galbeed, Cabdinaasir Cabdi Caruush, iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Madasha CHF 2026 ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta iskaashiga hay’adaha gargaarka, horumarinta ka jawaabista xaaladaha degdegga ah, iyo raadinta xalal waara oo lagu yareeyo saameynta masiibooyinka ku haya bulshada Soomaaliyeed.

Baydhabo ayaa noqotay xarun muhiim ah oo martigelisa shirarkan, iyadoo door muuqda ka qaadanaysa isku xirka dadaallada bini-aadannimo ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here