Axad June 28, 2026 {CBB}Baydhabo, 28 Juun 2026: Gudiga Qabanqaabada Caleema-saarka Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Guddoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Koonfur Galbeed iyo madax ka socotay hay’adaha kala duwan ee warbaahinta.
Kulanka ayaa looga hadlay diyaar-garowga iyo qorshaha warbaahineed ee munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray isku-dubbaridka tebinta munaasabadda iyo xaqiijinta in bulshada loo gudbiyo xog sax ah, dhammaystiran oo waqtigeeda ku habboon.
Mas’uuliyiintii ka qayb gashay kulanka ayaa isla qaatay in warbaahintu door muuqda ka qaadato baahinta munaasabadda, si shacabka ku nool gudaha dalka iyo dibaddiisuba ay ula socdaan dhacdadan muhiimka ah ee taariikhiga ah.
Gudiga Qabanqaabada ayaa warbaahinta uga mahadceliyey doorka ay ku leedahay wacyigelinta bulshada iyo gudbinta xogta rasmiga ah, iyagoo ku boorriyey inay si xirfad iyo masuuliyad leh uga shaqeeyaan tebinta munaasabadda caleema-saarka.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa guddiga iyo warbaahinta, si loo xaqiijiyo in munaasabadda caleema-saarku u dhacdo si habsami leh isla markaana ay bulshada u gaarto si ballaaran.








