Home WARARKA MAANTA Maanta oo 7 sano laga joogo qaraxii dhimashada badan dhaliyay ee ka...

Maanta oo 7 sano laga joogo qaraxii dhimashada badan dhaliyay ee ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho

29
0

Isiin 14-Oct- 2024 {CBB}Maanta waxay ku beegan tahay sannad-guuradii 7-aad ee ka soo wareegtay markii qaraxii ugu dhimashada badnaa taariikhda Soomaaliya uu ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qaraxii 14-ka Oktoobar sanadkii 2017-kii ka dhacay isgoyska Soobe ee magaaladda Muqdisho ayaa sababay dhimashada 656 qof, dhaawaca 340, waxaana ku hanti beelay 364 qof, iyada oo ay ku agoontoobeen 1547 carruur ah, waxaase dhacdadaasi maskaxdooda raad iyo saameyn xun kureebtay malaayin qof oo ah muwaadiniin Soomaaliyeed.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday 14 -ka Oktoobar in ay tahay maalin qaran oo lagu xusuusto dadkii ku waxyeeloobay “weeraradii argagixiso” ee taariikhdaas ka dhacay caasimada.

Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dhacdooyinkaas waxay ku eedeysay Al-Shabaab wallow Al-Shabaab aysan wali si rasmi ah dusha u saaran mas’uuliyada falkaas.

Waxyeelada Qaraxa 14-October waxa ay si toos ah u gaartay tiro kudhow 2%, dadka Muqdisho taas oo ka dhiganta in 25,000 oo qof oo kamid ah dadka kunool caasimadda ay waxyeelo toos ah oo naf iyo maal leh ay kasoo gaartay Qaraxaas.

Xajmiga waxyeelada qaraxaasi geystay waxa ay dad badani aaminsan yihiin in ay ahayd in uu Soomaalida u abuuro Isku xirnaan, Waddaniyad iyo Kacdoon bulsho kaas oo horseeda isbeddel sida Kacdoonadii guuleystay oo inta la xusuusto uu kamid yahay Kacdoonkii Nabilyoon kaas oo ay dhallinyaru horseedu ahayd, balse taas beddelkeeda Qarixii Soobe waxa uu sababay niyad jab keenay in dhallinyaro badan ay qaataan go’aan ah in ay dalka ka tahriibaan.

Haddaba saameyn nuucee ah ayuu kuugu reebay Qaraxa Soobe?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here