Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Diyaar-garowga Caleema-saarka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Maraya Marxalad Gabagabo ah

Sawiro;-Diyaar-garowga Caleema-saarka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Maraya Marxalad Gabagabo ah

2
0

Axad June 28, 2026 {CBB}Baydhabo, 28 Juun 2026: Guddiga Qabanqaabada Munaasabadda Caleema-saarka Hoggaamiyaha Dowladda  Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta kormeer ku sameeyey goobaha loogu talagalay soo dhoweynta wafdiyada ka imanaya gudaha iyo dibadda dalka, xarumaha marti-gelinta iyo goobta lagu qaban doono munaasabadda caleema-saarka.

Kormeerkan ayaa lagu qiimeeyey heerka diyaar-garowga goobaha, xaaladda amniga, bilicda magaalada, isu socodka gaadiidka iyo adeegyada kala duwan ee loo diyaariyey martida, si loo xaqiijiyo in munaasabaddu u dhacdo si habsami leh oo waafaqsan hab-maamuuska dowladda.

Xubnaha guddiga ayaa faray dhammaan guddiyada hoosaadyada iyo hay’adaha ay khusayso inay dardargeliyaan howlaha harsan, si madaxda, wafdiyada iyo marti-sharafta ka qeybgalaysa munaasabadda loogu sameeyo soo dhoweyn heer sare ah oo ka tarjumaysa karaamada iyo marti-soorka shacabka Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, waxaa si xowli ah uga socda magaalada Baydhabo howlaha qurxinta magaalada, nadaafadda goobaha muhiimka ah iyo adkeynta amniga, kuwaas oo qeyb ka ah diyaar-garowga ballaaran ee lagu soo dhoweynayo martida ka qeybgalaysa munaasabadda.

Guddiga ayaa sheegay in dhammaan hay’adaha dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ay si dhow uga wada shaqeynayaan hirgelinta qorshaha munaasabadda, si loo xaqiijiyo jawi ammaan ah, nidaamsan oo soo jiidasho leh.

Diyaar-garowga munaasabadda caleema-saarka ayaa si wanaagsan u socda, waxaana la filayaa inay noqoto munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo muujinaysa midnimada, wadajirka iyo horumarka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here