Axad June 28, 2026 {CBB}Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u howlgelisay Qaybta Dhimirka Haweenka ee Isbitaalka Laansaleeti ee Magaalada Muqdisho, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS, Saalax Axmed Jaamac ayaa Xarrig jaray qaybtaas dib loo howlgeliyay.

Talyaaniga ayaa hirgeliyay mashruucaan dib loogu howlgelinayo qaybtaan u gaarka ah dumarka ka xannuunsanaya dhimirka kuwaas oo sababo kala duwan u qaaday xannuunkaas sida ay sheegeen khubarrada Caafimaadka.

Dalalka Colaadaha, Abaaraha iyo duruufaha gaarka ah ay ka jiraan oo Soomaaliya ay kamid tahay waxaa ku badan xannuunada Dhimirka kuwaas oo loo sababeeyay xaaladahaas isbiirsaday sida ay ku warrameen bahda Caafimaadka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Saalax Axmed Jaamac ayaa bogaadiyay dedaallada dhinaca caafimaadka iyo adeegyada kale ee Bulshada lagu horumarinayo isla markaana ay gacanta ka gaysanayso Dowladda Talyaaniga.
Mustaqbal







