Axad June 28, 2026 {CBB}Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay dhalinyarro caanka ah Baraha Bulshada kuwaasi oo ku eedeysan in ay faafiyeen anshax xumo.
Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan ayaa sheegay in dhalinyarradaan tiradooda gaareyso toban ruux, isla markaasna ay ku howlanaayeen Anshax Xumo.
Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in dhalinyarradaan ay sameeyeen muuqaalon lagu faafiyay baraha bulshada sida Tiktok, Youtube iyo Facebook.
Gaashaanle Cabdiftaax ayaa sidoo kale shaaciyay in dhawaan Maxkamad la horgeyn doono dhalinyarradaan, isagoo digniin u diray goobaha Hoteellada oo ay ku duubi jireen Muuqaalada.
Ugu dambeyn, Afhayeenka Booliiska ayaa ku dhawaaqay in markii ugu horreysay ay Soomaaliya hirgalisay xaruun gaar ah oo ka shaqeyn doonta daba galka iyo baarista dambiyada ka dhaca Internateka







