Arbaco 16-Oct- 2024 {CBB}Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Dowladaha Hoose Iyo Dib-U-Heshiisiinta KGS Mudane Abdullahi Haji Hassan oo ay weheliyaan Wasiirka Amniga Mudane Hassan Abdulkadir Mohamed Guddoomiyaha Gobolka Bakool Mudane Mohamed Abdi Tool iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeybgalay Munaasabad kooban oo iskugu jirtay dhaarin iyo xil wareejin maamulka cusub ee Degmada Xudur.
Munaasabadan oo uu xilka kula wareegayey Guddoomiyaha cusub ee Degmada Hudur Mudane Mohamed Mo’allim Ahmed waxaa joobjoog ahaa saraakiil ciidan iyo marti sharaf kale’ Mudane Cali Xuseen Xasan Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Degmada Xudur ayaa xilka ku wareejiyey Guddoomiyaha Degmada Xudur Mudane Mohamed Mo’allim Ahmed waxayna tilmaameen muhiimada ay leeyahay qori isku dhiibka xilkana uu yahay meerto balse ka muhiimsan tahay in qof walbo u adeego bulshadiisa.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Mudane Abdullahi Haaji Hassan oo xil wareejinta ku sugnaa ayaa u sheegay bulshada Gobolka Bakool gaar ahaan shacabka degan Degmada Xudur inay la shaqeeyaan maamulka cusub ee Degmada si diirada loo saaro horumarka ka socda degmada lana sii labo jibaaro si loo gaaro yoolka wada noolaashaha adeegana loo baahiyo.
Daawo;- Sawroada Hoos