Axad 05, Luulyo, 2026 {CBB}Baydhabo: Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta wadooyinka magaalada Baydhabo ku soo bandhigay diyaar-garowgoodii ugu dambeeyay ee sugidda amniga munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Bandhiggan oo qeyb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo amniga munaasabadda ayaa muujinayay heeganka iyo u diyaar-garowga ciidamada, iyadoo shacabka magaalada Baydhabo ay si weyn u soo dhaweeyeen ciidamadii marayay wadooyinka magaalada.
Magaalada Baydhabo ayaa maalmahan marti-gelinaysa wafdiyo kala duwan oo ka imanaya gudaha iyo dibadda dalka kuwaas oo ka qeyb geli doona munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegay in dhammaan hay’adaha amniga ay ku jiraan heegan buuxa si loo xaqiijiyo amniga guud ee magaalada iyo habsami u socodka munaasabadda, iyadoo diyaar-garowga caleema-saarku uu marayo heer gabagabo ah.
Shacabka reer Baydhabo ayaa dhankooda muujiyay taageerada ay u hayaan dadaallada lagu sugayo amniga, iyagoo soo dhaweeyay doorka ciidamada ee xaqiijinta nabadgelyada iyo xasilloonida magaalada inta lagu guda jiro munaasabadda.







