Axad 05, Luulyo, 2026 {CBB}Maamulka Benjamin Netanyahu ayaa qarsan waayay culayska uu sheegay in ay ku hayaan mashaariicda Dowladda Turkiga ay ka hirgelinayso Soomaaliya sida saldhigga Dayaxgacmeedka sida ay ku warrameen Warbaahinta Afka maamulkaas ku hadasha.
Israa’iil ayaa sheegtay in saldhiggaas dayaxgacmeedka uu noqonayo mid istaraatiji ah maadaama Ankara ay doonayso in ay ballaariso nidaamyada dhinaca hawada sare sida lagu sheegay warbixinnada arrintaan laga daacabay.
Wargayska The Jerusalem Post oo soo xigtay Joornaalka Le Monde waxa uu baahiyay in cabsida ay tahay mid sii kordhaysa mar haddii Turkiga uu billaabay ku dhaqaaqista dhismaha Saldhigyada muhiimka u ah Dayaxgacmeedka iyo hagista Gantaallada.
Turkiga ayaa xoojiyay cilaaqaadka kala dhaxeeya Soomaaliya ee ku dhisan dhinacyada Amniga, Militariga, Soosaarka Shidaalka iyo horumarinta Dhaqaalaha, waxaana socda dhismaha Garoon diyaaradeed oo casri ah, Saldhig laga tuurayo Dayaxgacmeed iyo arrimo kale.







