Axad 05, Luulyo, 2026 {CBB}Baydhabo: Musharraxa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, maamulka Gobolka Baay, kan Degmada Baydhabo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa wafdiga ku qaabilay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo, iyagoo u muujiyay soo dhoweyn heer sare ah.
Socdaalka wafdiga ayaa qeyb ka ah ka qeybgalka munaasabadaha iyo kulamada ka socda magaalada Baydhabo, xilli ay magaalada martigelinayso mas’uuliyiin iyo wafdiyo kala duwan oo ka kala yimid gudaha iyo dibadda dalka.
Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo mas’uuliyiinta Dowladda Koonfur Galbeed soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa, isagoo bogaadiyay horumarka, nabadgelyada iyo marti-soorka ay caan ku tahay magaalada Baydhabo.
Magaalada Baydhabo ayaa maalmahan noqotay xarunta kulamada iyo munaasabadaha muhiimka ah ee heer qaran, iyadoo ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin sare, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale oo ka qeyb galaya munaasabadaha ka socda Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.








