Axad 05, Luulyo, 2026 {CBB}Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb. Axmed Macalin Fiqi, oo uu weheliyay Taliyaha Ciidanka XDS S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud halkaas oo ay ka socdaan dadaalo lagu ciribtirayo khawaarijto sidoo kalena ay ka jiraan hormaro dhanka amniga ah.
Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd u kuurgelidda xaaladda amniga, qiimeynta howlgalada ka socda deegaannada gobolka, iyo dhiirrigelinta ciidamada XDS ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka.
Mas’uuliyiinta ayaa kulamo la yeeshay saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada, iyagoo warbixinno ka dhageystay xaaladda amni, horumarka howlgalada, iyo baahiyaha jira si loo sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida.
Wasiirka iyo Taliyaha Ciidanka XDS ayaa bogaadiyay geesinimada iyo naf-hurnimada ciidamada ku sugan furimaha hore, iyagoo ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda ku aaddan ciribtirka kooxaha nabad-diidka ah iyo difaaca shacabka Soomaaliyeed.







