Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Wasaaradda caddaaladda kgs oo qalin-jebisay 30 maxbuus oo dhammaystay tababar xirfadeed

Sawiro;-Wasaaradda caddaaladda kgs oo qalin-jebisay 30 maxbuus oo dhammaystay tababar xirfadeed

1
0

Axad 05, Luulyo, 2026 {CBB}Baydhabo: Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qabatay munaasabad qalin-jebin ah oo loo sameeyay 30 maxbuus oo ku guuleystay inay dhammaystaan tababar xirfadda koronto-gelinta ah, kaas oo socday muddo dhowr bilood ah.

Barnaamijkan tababarka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo dib-u-habaynta iyo dhaqan-celinta maxaabiista, si ay u helaan xirfado wax-ku-ool ah oo ka caawin kara inay noloshooda dib u dhistaan marka ay bulshada ku soo laabtaan.

Munaasabadda qalin-jebinta waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Dowladda Koonfur Galbeed Cabdulqaadir Yuusuf Cabdinur, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda Koonfur Galbeed, xubno ka socday Ururka Qareennada Koonfur Galbeed iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka ah.

Mas’uuliyiintii munaasabadda ka hadlay ayaa hambalyo u diray maxaabiista qalin-jebisay, iyagoo ku boorriyay inay ka faa’iideystaan aqoonta iyo xirfadda ay barteen si ay mustaqbalkooda ugu dhistaan shaqo iyo isku filnaansho.

Sidoo kale, waxay tilmaameen in tababarrada noocan oo kale ah ay door muhiim ah ka ciyaaraan dib-u-habaynta maxaabiista, yaraynta dambiyada soo noqnoqda iyo xoojinta fursadaha ay bulshada dib ugu dhex milmi karaan.

Ugu dambeyn, qaar ka mid ah maxaabiistii qalin-jebisay ayaa muujiyay farxaddooda iyo sida ay uga faa’iideysteen tababarka, iyagoo uga mahadceliyay Wasaaradda Caddaaladda iyo dhammaan hay’adihii gacan ka geystay hirgelinta barnaamijkan muhiimka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here