Axad 05, Luulyo, 2026 {CBB}Baydhabo, 5 Luulyo 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), oo ay wehliyaan Guddoonka Baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed, ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyay wafdi uu hoggaaminayo Sii-Guddoomiyaha KMG-ka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar.
Wafdiga ayaa Baydhabo u yimid ka qeybgalka munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha DowladdaGobaleedka Koonfur Galbeed, taas oo ay ka qeybgalayaan mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, madaxda dowlad-goboleedyada dalka, wakiillo ka socda beesha caalamka iyo marti sharaf kale.
Soo dhoweynta wafdiga ayaa ka dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ku qaabileen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, xildhibaanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa uga mahadceliyay wafdiga socdaalkooda iyo ka qeybgalka munaasabadda caleema-saarka, isagoo xusay in joogitaanka madaxda heer federaal uu ka tarjumayo muhiimadda ay leedahay xoojinta wadajirka, iskaashiga iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya.
Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa dhankeeda bogaadisay diyaar-garowga iyo marti-gelinta ay Dowladda Koonfur Galbeed u sameysay munaasabadda, iyadoo u rajeysay shacabka iyo maamulka Koonfur Galbeed horumar iyo nabad waarta.
Magaalada Baydhabo ayaa maalmahan martigelinaysa wafdiyo heer qaran iyo kuwo caalami ah oo u yimid ka qeybgalka munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.








