Home WARARKA MAANTA Wasiir Fiqi “Dagaalka ‘AS’ waxaa ka dhiman halmar oo aan gacansaarno”

Wasiir Fiqi “Dagaalka ‘AS’ waxaa ka dhiman halmar oo aan gacansaarno”

1
0

Isniin  06, Luulyo, 2026 {CBB}Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee dhowaan lagu dhaqaaqayo ay yihiin kuwo ka duwan howlgalladii hore sida uu hadalka u dhigay.

Axmed Fiqi ayaa sheegay in isu xiranka Dadka iyo Ciidamada Ammaanka uu xooggaystay, waxa uu shaaciyay in marka la eego waxyaabihii laga bartay howlgalladii hore haatan uu ka duwan yahay howlgalkaan cusub sida uu yiri.

Waxa uu bogaadiyay wadashaqaynta ciidanka Federaalka iyo kuwa Deegaanka ee Macawiisleyda ah isaga oo sheegay in keliya ay dhiman tahay dagaal halmar gacansaar ah oo si wadajir ah la isu kaashado sida uu hadalka u dhigay.

“Waqti yar ka dib ‘AS’ waxa ay noqon doonnaan taariikh laga sheekeen doonno, waxaana laga sheekeen doonnaa wixii ay Dadka ku samayn jireen, iyada oo aan cabsi laga qabin, Halmar ayaan gacansaar ah isaga qaadaynaa ee hala iskaashao” Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sidaasi yiri.

Doorashada iyo howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ayuu sheegay in ay is dhinac socdaan sidaas awgeed Dadka deegaanka looga baahan yahay in ay dagaalka afka ah ay kordhiyaan kaddibna ay u rogaan mid gacanta ah.

“Nin aan AS ka hadlin yaan la dooran waana in uu dhahaa Khawaariijta waan la dirinaynaa, waxaan rabnaa in cabsida ay ka dhammaato deegaanka, waxa aan qabaa in qoriga laga horumariyo dagaalka Afka oo marka afka laga xorroobo addinka uu ku xigo” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi.

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa shalay tagay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, waxa ay la kulmeen saraakiisha ciidanka Federaalka, Macawiisleyda iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Degmadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here