Isniin 06, Luulyo, 2026 {CBB}Sannad dugsiyeedka 2025/2026 waxaa Imtixaanka Dugsiyada Dhexe iyo Sare gashay guud ahaan Dalka 204,493 Arday kuwaas oo ku kala galay Todobo Maamul iyo Gobolka Banaadir.
Tallaabadaan waxa ay muujinaysaa heerka Waxbarasho ee Ardayda Soomaaliyeed maadaama sannad weliba ay sii kordhayaan tirada ka qaybgalaysa Imtixaanka labada Fasal ee Dugsiga Dhexe iyo Sare.
Gobolka Banaadir waxa uu kaalinta koowaad uga jiraa tirada ugu badan ee Ardayda Imtixaanka Fasallada 8aad iyo 12aad gashay, waxaana Dugsiga Dhexe ku galay 46,225 Arday halka Dugsiga Sare ay galeen 24,269 Arday, wadartooda waa 70,494 oo u dhiganta 34.5%
Maamulka Waqooyi Galbeed (Somaliland) ayaa kaalinta labaad ku jira, waxaana fasalka 8aad imtixaanka u gashay 26,119 Arday halka Dugsiga Sare ay galeen 16,400 oo Arday, wadartooda waa 42,519 oo ka dhigan 20.8%
Puntland waa maamulka 4aad, waxaa Imtixaanka Dugsiga Dhexe ee fasalka 8aad u gashay 16,068 Arday iyada oo 9,153 Arday ay galeen fasalka 12aad, wadartooda waa 25,221 oo ka dhigan boqolley ahaan 12.3%
Koofur Galbeed waa Maamulka 3aad waxaana Imtixaanka Dugsiga Dhexe u galay 19,788 Arday halka Dugsiga Sare ay galeen 7,584 oo isu gayntoodu noqonaysa 27,372 Arday oo u dhiganta 13.4%
Dowlad-Goboleedka HirShabeelle waa Imtixaanka fasalka 8aad uu ka qaaday 8,219 Arday, Dugsiga Sare waa 4,134 Arday marka la isku daro waa 12,353 Arday oo noqonaya celceliskooda 6%
Galmudug, waxaa Imtixaan sannadeedka 2025/26 u galay 8,195 Arday oo Fasalka 8aad ah halka Dugsiga Sare ay galeen Arday dhan 3,617 Arday, wadartoodu waa 11,812 Arday oo ah 5.8%
Maamulka Jubbaland, waxaa Imtixaanka fasalka 8aad ee Dugsiga Dhexe u gashay 7,150 Arday, Dugsiga sare waa 2,832 Arday oo isku darkoodu noqonaysa 9,982 oo ah 4.9%
Waqooyi Bari Waxaa sannadkaan Imtixaanka Dugsiga Dhexe laga qaaday 3,040 Arday, Fasalka 12aad ee Dugsiga Sare waxaa Imitxaankaas galay 1,700 Arday oo isu gayntoodu noqonayso 4,740 oo ah 2.3%
Isu gaynta 8daas Maamul waxaa Dugsiga Dhexe u gashay 134,804 Arday halka Dugsiga sare waa fasalka 12aad ay galeen 69,689 Arday oo wadartooda ka dhigaysa in guud ahaan Jamhuuriyadda Soomaaliya ay sannadkaan Imtixaan u galeen 204,493 Arday
Soomaaliya waxa ay ku guulaysatay in Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Taclinta Sare ee Xukuumadda Federaalka ay qaaddo Imtixaan sannadeed mar weliba oo la gaaro bartamaha sannadka







