Isniin 06, Luulyo, 2026 {CBB}Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhisay weerarrada cirka ah ee ka dhanka ah ‘AS’ kuwaas oo ay fulinayaan Diyaaradaha dagaalka gaar ahaan F-16 & kuwa aan duulliyaha lahayn ee loo garanayo Drones.
Diyaaradaha Dagaalka ayaa saakay waqti hore lagu arkay deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed oo todobaadkii hore duqaymo ka dhan ah ‘AS’ ay halkaas ka fuliyeen sida ay Dowladdu soo bandhigtay.
Meelaha lagu arkay Diyaaradahaan ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed katirsan waxaa kamid ah Gobolka Baay gaar ahaan Magaalada Baydhabo oo ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
F-16 ayaa todobaadkii hore waxa ay duqayn ka fulisay Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, waxa ay Dowladdu sheegtay in la beegsaday goob ay ku suganaayeen Xubno katirsan ‘AS’ halkaasina lagu gaarsiiyay Khasaara kala duwan.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan sheegay in Dowladdu ay waddo qorshe cusub oo ka dhan ah ‘AS’ kana ballaaran howlgalladii hore si guud ahaan Dalka looga saaro sida uu hadalka u dhigay.







