Isniin 06, Luulyo, 2026 {CBB}Baydhabo, 6, Juun, 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Garoonka Diyaaradaha Dr. Shaati-Gaduud ee Magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyey wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, oo uu qeyb ka yahay Raisul Wasaare ku xigeenka 2-aad Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji kuwaas oo Baydhabo u yimid ka qeybgalka Munaasabadda Caleema-saarka Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed.
Soo dhoweynta Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Dowladda Koonfur Galbeed, saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Baydhabo.
Munaasabadda Caleema-saarka Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa la filayaa inay ka soo qeybgalaan Madaxda ugu Saraysa Qaranka diblomaasiyiin, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale, taas oo ka tarjumaysa muhiimadda ay leedahay munaasabaddan iyo doorka Dowladda Koonfur Galbeed ee geeddi-socodka dowlad-dhiska, nabadda iyo horumarka dalka.








