Isniin 06, July 2026 {CBB} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Maamulka Koofur Galbeed isaga oo qayb ka ah caleemosaarka hoggaamiye Aadan Madoobe.
Baydhabo waxaa ku sugan oo goorsii horraysay gaaray Madax kala duwan sida Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamsa Cabdi Barro, Wasiirro, Xildhibaanno iyo madaxda Maamullada Waqooyi Bari & HirShabeelle.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu Khudbad ka jeediyo munaasabadda Caleemosaarka Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Aadan Madoobe isaga oo dib ugu soo laaban doonna Magaalada Muqdisho.







