Home WARARKA MAANTA MUNAASABADA CALEEMA-SAARKA HOGAAMIYAHA DOWLADA KOONFUR GALBEED AYAA MAANTA KA QABSOONTAY MAGAALADA BAYDHABO

MUNAASABADA CALEEMA-SAARKA HOGAAMIYAHA DOWLADA KOONFUR GALBEED AYAA MAANTA KA QABSOONTAY MAGAALADA BAYDHABO

1
0

Baydhabo, 6,Juun, 2026: Magaalada Baydhabo ee Xarunta Ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta martigelisay Munaasabadda Caleema-Saarka Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) taas oo ay ka qeybgaleen madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ugu horeeyo Madaxweynaha Hamhuuriyada Mudane Xasan Shekh Maxamuud, Raisul Wasaaraha Dalka Mudane Xamza Cabdi Barre Madaxda dowlad-goboleedyada, Hirshabeele, Waqooyi Bari, Maamulka Gobolka Banaadir, xubno ka socday labada gole ee dowladda, siyaasiyiin, odayaal dhaqameed, culimaa’udiin, haween, dhallinyaro iyo marti sharaf kale oo ka kala timid gudaha iyo dibadda dalka.

 

Munaasabadda ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, iyadoo ay ka muuqatay midnimo, wadajir iyo taageerada shacabka Koonfur Galbeed ay u hayaan hoggaankooda. Khudbadihii laga jeediyey munaasabadda ayaa diiradda lagu saaray xoojinta nabadda, dib-u-heshiisiinta, horumarinta adeegyada bulshada, dardargelinta amniga iyo ka shaqeynta mashaariicda horumarineed ee deegaanada  Koonfur Galbeed.

 

Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka  Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa khudbaddiisa uga mahadceliyey dhammaan marti-sharaftii ka soo qeybgashay munaasabadda, isagoo ballanqaaday in dowladdiisu sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo amniga, horumarka iyo midnimada shacabka Koonfur Galbeed iyo guud ahaan Soomaaliya.

 

Munaasabadda Caleema-Saarka ayaa sidoo kale muujisay doorka muhiimka ah ee Baydhabo ay ku leedahay geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka, iyadoo ay magaalada soo gaareen wafdi kala duwan oo ka qeybgalay munaasabadda, kuwaas oo muujiyey taageeradooda iyo garab istaagga ay la garab taagan yihiin Dowladda Koonfur Galbeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here