Arbaco 8, July 2026 {CBB} War-saxaafadeed ay soo saartay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) ayaa lagu sheegay in adeegga cusub uu u oggolaanayo dadka isticmaala WhatsApp inay yeeshaan magac guud (username) oo ka madax-bannaan lambarkooda taleefanka, arrintaas oo, sida ay hay’addu sheegtay, ay ka faa’iideysan karaan dambiilayaasha internetka, kooxaha argagixisada iyo kuwa wax isdaba mariya si ay isu ekaysiiyaan dad kale ama u fuliyaan khiyaanooyin.
NCA ayaa Meta ugu baaqday inay hakiso hirgelinta adeegga gudaha Soomaaliya ilaa laga sameynayo wadatashi farsamo oo lala yeesho dowladda, isla markaana la hirgeliyo tallaabooyin adag oo lagu ilaalinayo xogta gaarka ah ee dadka isticmaala laguna xakameynayo ku-takrifalka adeegga.
Hay’addu waxay sheegtay in nidaamyada xaqiijinta aqoonsiga, farsamooyinka ka hortagga ku-takrifalka iyo hababka kormeerka ay muhiim u yihiin ilaalinta ammaanka isticmaalayaasha ka hor inta aan muuqaalka cusub la hirgelin.
Waxay sidoo kale ka digtay in adeeggan uu khatar gelin karo nidaamka lacagaha moobaylka ee Soomaaliya, oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha dalka, iyadoo sheegtay in adeegsiga magacyo aan la xaqiijin karin uu kordhin karo khiyaanooyinka maaliyadeed iyo khasaaraha soo gaari kara dadka isticmaala adeegyada lacagaha elektaroonigga ah.
Meta ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin codsiga dowladda Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya waxay ku biirtay dalal ay ka mid tahay Hindiya, oo hore ugu baaqay shirkadda inay dib u eegto hirgelinta adeeggan sababo la xiriira walaacyo dhinaca amniga, asturnaanta iyo khiyaanooyinka maaliyadeed.







