Khamis 9, July 2026 {CBB}Baydhabo, 9 Luulyo 2026: Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada Baydhabo, Mudane Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan (Sate), ayaa maanta si rasmi ah u magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Deegaanka Goof-gaduud Shabeelow.
Magacaabistan ayaa qayb ka ah dadaallada maamulka Degmada Baydhabo uu ku xoojinayo maamulka iyo adeegyada bulshada ee deegaannada hoos yimaada degmada, si loo dardargeliyo horumarka, amniga iyo isku-xirka shacabka iyo maamulka.
Guddoomiyuhu ayaa uga mahadceliyey masuulka cusub aqbalidda xilka loo igmaday, isagoo ku boorriyey inuu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego bulshada Deegaanka Goof-gaduud Shabeelow, isla markaana la shaqeeyo qaybaha kala duwan ee bulshada si loo gaaro horumar waara.
Dhankiisa, Guddoomiyaha cusub ee Deegaanka Goof-gaduud Shabeelow ayaa ballanqaaday inuu gudan doono waajibaadka loo igmaday, kana shaqeyn doono xoojinta amniga, adeegyada bulshada iyo horumarinta deegaanka.
Magacaabistan ayaa la filayaa inay wax weyn ka tari doonto horumarinta maamulka iyo adeegyada aas-aasiga ah ee Deegaanka Goof-gaduud Shabeelow.








