Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed Oo Qaabilay Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Degmada...

Sawiro;-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed Oo Qaabilay Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Degmada Wanlaweyn

1
0

Khamis  9, July 2026 {CBB}Baydhabo, 9 Luulyo 2026: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qaabilay Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Degmada Wanlaweyn, Mudane Maxamed Cabdalle Ibraahim.

Kulanka ayaa ahaa mid lagu xoojinayay wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo is-dhaafsiga xogaha muhiimka ah ee la xiriira horumarinta bulshada, maamulka deegaanka iyo dardargelinta adeegyada loo fidiyo shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Koonfur Galbeed ayaa bogaadiyay dadaallada ay maamulka Degmada Wanlaweyn ugu jiraan u adeegidda bulshada iyo horumarinta adeegyada aas-aasiga ah, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta ka dhaxaysa heerarka kala duwan ee dowladda.

Dhankiisa, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Degmada Wanlaweyn, Mudane Maxamed Cabdalle Ibraahim, ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada soo dhaweynta diirran iyo talooyinka wax-ku-oolka ah ee uu la wadaagay, isagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta adeegyada bulshada iyo horumarinta degmada.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku saabsan sii wadidda wada-shaqeynta iyo dadaallada lagu hormarinayo adeegyada iyo baahiyaha bulshada Degmada Wanlaweyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here