Home WARARKA MAANTA Kusimaha Guddoomiyaha Degmada Berdaale Oo Kulan La Qaatay Masuuliyiin Ka Socotay Hay’adda...

Kusimaha Guddoomiyaha Degmada Berdaale Oo Kulan La Qaatay Masuuliyiin Ka Socotay Hay’adda Gareedo

1
0

Khamis  9, July 2026 {CBB}Berdaale, 9 Luulyo 2026: Kusimaha Guddoomiyaha Degmada Berdaale ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada, Mudane Maxamed Isaaq Maxamuud, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay masuuliyiin ka socotay Hay’adda Gareedo oo booqasho shaqo ku yimid degmada Berdaale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dhibaatooyinka biyaha ee saameynta ku leh bulshada degmada iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu yareynayo khataraha ka dhasha biyaha aan nadiifka ahayn.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay qorshayaal lagu horumarinayo wacyigelinta bulshada, kor u qaadista nadaafadda deegaanka iyo hirgelinta barnaamijyo wax ku ool ah oo lagu ilaalinayo caafimaadka shacabka.

Masuuliyiinta degmada Berdaale iyo Hay’adda Gareedo ayaa sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga ka dhexeeya maamulka degmada, hay’adaha samafalka iyo bulshada, si loo helo xalal waara oo wax looga qabanayo caqabadaha dhinaca biyaha iyo caafimaadka deegaanka.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku saabsan sii wadidda wada-shaqeynta iyo dardargelinta dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada ee degmada Berdaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here