Axad 12 July 2026 {CBB} Ku simaha Ilaalada Kacaanka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ay beegsadeen islamarkaana ay joojiyeen markab labaad oo marayay Marinka Hormuz, taasi oo jawaab u ah weerarrada Mareykanku uu u geystay magaalooyinka ku yaalla koonfurta Iiraan.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in “wajiga labaad ee is-difaaca iyo aargudashada, gantaalaha ballistic-ga lagu la beegsaday saldhigga cirka ee Mareykanka ku leeyahay Al Udeid ee dalka Qatar, halkaas oo lagu burburiyay xaruntii dayactirka diyaaradaha dagaalka iyo xaruntii taliska iyo xakamaynta ee saldhiggaas.”
Duqeynta ayaa sii xoogeysatay iyadoo wadamada khaliijka ay la kulmayaan weeraro culus oo ka imaanaya Iran.







