Axad 12 July 2026 {CBB} Xiisadda Siyaasadeed ee u dhaxaysa Xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro iyo labada Xisbi ee kala ah Kulmiye & KAAH ayaa sii xooggaysatay kaddib markii Maamulka Xukunka haya ee Cirro uu isku dayay in uu farageliyo Xisbiyadaas.
Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo kala duwan, Xubno katirsan Xisbiga Talada haya ee Waddani ayaa qaaday tallaabooyin ay ku muujinayaan faafinta macluumaad la xiriira in uu khilaaf soo kala dhexgalay hoggaanka sare ee Xisbiga Kulmiye.
Sidoo kale waxa ay sheegeen in KAAH qudhiisa uu isku qabtay arrimo la xiriira tallaabooyinka ay qaadeen xubno katirsan Urur siyaasadeedkaas oo culays ku noqday Maamulka Cabdiraxmaan Cirro sida ay ku warrameen ilaha kala duwan.
Kulmiye iyo KAAH ayaa beeniyay in uu khilaaf dhexdooda uu ka dhex jiro Xisbi weliba, waxa ay arrintaasi ku tilmaameen mid uu culayska isaga qaadayo Cabdiraxmaan Cirro mar haddii ay bannaanka soo dhigeen waxyaabo badan uu qarinayo sida iskaashiga Israa’iil.
Cirro oo ku guul daraystay in uu qabto Doorasho waqtigeeda ku dhacda ayaa doonaya in uu kala furfuro Xisbiyada kasoo horjeeda si uu waqti dheeraad ah ugu helo sii haynta Xukunka ugana yaraado culayska siyaasadeed ee xiligaan saaran.







