Axad 12 July 2026 {CBB} Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday in aysan u hoggaansami doonnin heshiiskii ay la gashay Maraykanka kaddib markii Tehran ay ku andacootay in dhiggeeda Washington ay qaadday tallaabooyin burinaya heshiiskaas.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbas Araghchi oo qoraal soo dhigay bartiisa X ayaa ku sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay sidii uu meel isaga saari lahaa xadgudubka uga imaanaya Dalka ay heshiiska wada galeen ee Maraykanka.
Abbas ayaa carrabka ku dhuftay in dhaqangelinta heshiiska uu yahay mid ku xiran labada Dal sidaas awgeed haddii Maraykanka uu dhinac marayo aanay ku qasbanayn dhinacooda inay dhaqangeliyaan heshiiska waa sida uu ku dooday.
“Iiraan ma dhaqangelin doonto heshiiskii ay la gashay Maraykanka ilaa Washington uu dhankiisa ka dhaqangeliyo maadaama uu yahay mid ku xiran labada dhinac, Iiraan waxa ay diyaar u tahay in ay ka jawaabto su’aal weliba oo dhinaca cadawgeeda ka imaato” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbas Araghchi.
Arrintaan waxa ay kusoo beegmaysaa iyada oo gantaallo culus ay is dhaafsanaayan Iiraan iyo Maraykanka, Xukuumadda Donald Trump ayaa beegsatay goobo kala duwan oo Iiraan ah halka Tehran iyanna ay gantaallo cadaadiq uga dhigtay saldhigyo Maraykanka uu ku leeyahay Bariga Dhexe gaar ahaan Dalka Qatar.







