Sabti July 11, 2026 (CBB) –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo maanta dhagax-dhigay Xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dalka ayaa sheegay in ay jiraan fursado badan oo suuragalinaya Warshado dalka laga dhiso.
Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in isbaddelka Amniga uu suuragaliyay in shirkado shisheeye iyo Dad ajaanib ah ay hamiyaan sidii ay maalgashi ugu samaysan lahaayeen Soomaaliya iyaga oo ka dhisanaya Warshado sida uu hadalka u dhigay.
“Warshado badan ayaa Dalka ka hirgeli doonna, Soomaali ha la haato ama Dad aan Soomaali ahayn oo maalgashanaya ha la haataan maadaama Amniga uu fiicnaaday” Sidaasi waxaa yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre
Soomaaliya waxaa jira fursado maalgashi oo Dowladda Federaalka ay doonayso in ay ku samaystaan Ganacsatada gudaha iyo kuwa dibadda kuwaas oo soo maraya nidaamka iyo xeerarka loo dajiyo sida ay ku warrameen ilo kala duwan.






