Home WARARKA CAALAMKA Trump oo sheegay in la sii dayay haweenay u dhalatay Mareykanka oo...

Trump oo sheegay in la sii dayay haweenay u dhalatay Mareykanka oo u xirneed Iran.

2
0

khamiis 16, July 2026 {CBB}Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Iran ay sii daysay haweeney Mareykan ah oo uu sheegay in si aan sharci ahayn loo xiray bishii Diseembar 2024.

Qoraal uu ku daabacay baraha bulshada ee Truth Social, Trump wuxuu ku sheegay in Iran ay u oggolaatay haweeneydaas oo ah muwaadinad Mareykan ah inay ka baxdo dalka.

Madaxweynaha Mareykanka ma shaacin magaca haweeneyda la sii daayay, balse wuxuu sheegay inay hadda nabad qabto, caafimaad qabto, isla markaana ay ka baxday Iran.

Trump wuxuu sidoo kale sheegay in haweeneyda la xiray bishii Diseembar 2024, xilli uu Joe Biden ahaa madaxweynaha Mareykanka. Si kastaba ha ahaatee, ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan kiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here