Talaado 29-Oct- 2024 {CBB}Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Hussein Mohamud Sheikh Hussein ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyey wafdi Sare oo ka socday Wasaarada Qorsheynta Federalka iyo Sidoo kale sanduuqa Wadajirka Somalia “ Somali Joint Fun” .
Wafdigan oo uu hogaaminaayey Madaxa “SJF”
Mr.Peter Nordstrom ayaa ka koobnaa Mas’uuliyiin ka kala socday Hay’addaha UNDP, IOM, UNHABITAT, UNODC, UNWOMEN, UNICEF, WHO, IO, WFP, UNDSS ISW.
Ujeedada imaatinka wafdiga ayaa ahaa kormeer iyo Qiimeyn lagu sameynaayey Qaar ka mid ah Xarumaha ay ka socdaan mashaariicda lagu maalgaliyo Sanduuqa Wadajirka Somalia “ Somali Joint Fun.