Talaado 29-Oct- 2024 {CBB}Dib u dhiska iyo dayactirka Wadooyinka qaar ee magaalada Baydhabo kadib dhalinyarada waxaa ay heleen goobo nasasho iyo dalxiisba leh oo ay u arkaan fursad jawi bedelasho oo bilaash ah.
Goobtan waa halka loo yaqaano Caratuurka Wadadan ayaana waxay kamid wadooyinka sida casriga ah looga dhisay.
Waa goob laami ah lkn tan iyo markii dhismaheeda uu dhamaadey waxay isugu bedeshey goob dalxiis ah oo bulshadu ay u yimadaan sibaabo kala duwan sida iney kusoo galaan sawiro qurxoon.
Qaarkood waxa ay ka yimaadaan xaafadaha kala duwan ee magaalada.
Dadka halkaan yimaada ayaa waxaa ubadan Dhalinyarada isticmaasha baraha bulshada gaar ahaan tiktokga oo waqtiga loo arko mid ka mid ah aalaha ugu isticmaalka badan.
Daraawalada ku shaqeysata wadadan oo goob dalxiis isku bedeshay xiligii horena ahayd mid aan xitaa la mari Karin boorka iyo siiqada oo daran awadeed ayaa u arka fursad maalinkii ay ku qaban karaan Lacag badan oo bilaa dhib ah.
Si kastaba ha ahaate Dowlad gobaleedka Koonfur ayaa magaalada baydhabo ka wada dadaalo laga dhisaayo guud ahaan wadoonka waaweyn ee gudaha magaalada ah .
Dhisida wadooyinka baydhabo ayaa la rumeysan yahay in ay kaalin weyn ku qaadanayaan amniga, isu socodka baaburta, ganacsiga iyo hormarka magaalada.
Magaalada Baydhabo ayaa waxay sameysay hormaro badan oo ay kamid yihiin laamiyada sida casriga ah loo dhisey.







