Home WARARKA MAANTA Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo...

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM

1
0

Axad 26 July 2026 {CBB}Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyada oo dhammaan diiradda lagu saarayo sidii loo heli lahaa dhaqaalaha uu jartay Maraykanka iyo qorshe cusub.

Sida ay Mustaqbal Media u xaqiijiyeen ilo kala duwan, kulamadaan oo billowday billowgii Bishaan marba meel ayay soo gaareen, waxaana lagu wadaa in shirweyne heerkiisu sarreeyo uu caasimadda Uganda ee Kampala ka qabsoomo 31ka isla bishaan.

Madaxa ugu sarreeya ee AUSSOM ayaa Muqdisho ku qaabilay mas’uuliyiin ka kala socota Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maraykanka, Dalalka taageera howlgalkaan iyo Ururro kale oo uu u bandhigay xaaladda iyo caqabadaha ku horgudbay howlgalkooda.

Soomaaliya oo sanadihii u dambeeyay ka gudubtay tijaabooyin ay martay sida in ay ciidankeeda howlgali karaan iyaga oo aanay la socon kuwa Midowga Afrika, in ay la wareegi karaan mas’uuliyadda Amniga Xeryaha iyo ilaalinta Madaxda waxa ay markale qaadaysaa tallaabooyin qarsoon oo sababo dhinaca Amniga loo qariyay.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 26kii June waxa uu sheegay in Dowladdu ay diyaarisay guluf ka dhan ah ‘AS’ oo dadka loo soo bandhigi doonno marka howshiisa farsamo ay soo idlaato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here