Home WARARKA MAANTA Sawiro;-wasiirka howlaha guud ee koonfur galbeed oo kulan la qaatay mashruuca nagaad,...

Sawiro;-wasiirka howlaha guud ee koonfur galbeed oo kulan la qaatay mashruuca nagaad, kormeerna ku tagay waddooyinka baydhabo

1
0

Axad 26 July 2026 {CBB}Baydhabo, July 26, 2026: Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta DowladdaGobaleedka Koonfur Galbeed, Mudane Dr. Daweeye Cabdullaahi, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay madaxda Mashruuca NAGAAD ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, kuwaas oo ka shaqeeya hirgelinta iyo tayeynta waddooyinka waaweyn ee magaalada Baydhabo.

Kulanka oo uu Wasiirka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdicasiis Cabdiraxmaan, iyo xubno ka tirsan Agaasime Waaxeedyada iyo Injineerrada Wasaaradda, ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dhismaha waddooyinka, caqabadaha jira, iyo sidii xal waara loogu heli lahaa.

Inta uu socday kulanka, waxaa si gaar ah looga hadlay horumarka laga sameeyay waddooyinka muhiimka ah ee halbowlaha u ah magaalada Baydhabo, kuwaas oo door weyn ka qaata isku socodka bulshada iyo gaadiidka.

Wasiirka iyo madaxda Wasaaradda ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in shaqooyinka socda lagu soo gabagabeeyo waqtigii loo qorsheeyay, iyagoo faray hay’adaha fulinaya mashruuca in la dedejiyo dhismaha waddooyinka, isla markaana la hubiyo in bulshada loo fududeeyo isu socodka inta ay shaqooyinku socdaan.

Dhanka kale, Wasiirka, Agaasimaha Guud iyo madaxda Mashruuca NAGAAD ayaa kormeer shaqo ku tagay goobaha ay ka socdaan dhismaha waddooyinka, halkaas oo ay si toos ah ugu kuur-galeen heerka uu marayo mashruucu. Waxa ay sidoo kale ka dhageysteen Injineerrada warbixin faahfaahsan oo ku saabsan horumarka la gaaray iyo qorshaha lagu dhammeystirayo shaqooyinka harsan.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta Dowladda Koonfur Galbeed ayaa caddeysay inay sii xoojin doonto dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha, iyadoo mudnaan gaar ah siinaysa dhismaha iyo tayeynta waddooyinka si kor loogu qaado adeegyada bulshada iyo kobaca magaalada Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here