Isiin 27 July 2026 {CBB}Dalka Guinea-Bissau ayaa beeniyay wararka la xiriira in uu aqoonsanayo maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya, waxaana warkaas uu ku tilmaamay kuwo been abuur ah oo sal iyo raad tona lahayn sida hadalka loo dhigay.
Guinea-Bissau ayaa meesha ka saartay in uu jiro hannaan siyaasadeed oo ku jiidaya in ay qaadato go’aankaas xadgudubka ku ah midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya iyada oo ka digtay faafitan wararka been abuurka ah.
Waxa ay shaacisay in ay ixtiraamayso nidaamka caalamiga ah ee dal weliba ka difaacaya faragelin in lagu sameeyo, iyada oo Dowladda Guinea-Bissau ay xustay in ay taageersan tahay Midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.
Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, Ururro kale iyo Dalal badan ayaa kahor yimid tallaabadii Israa’iil ee ka dhanka ahayd Midnimada Soomaaliya taasi oo ay qaadday December 2025.







