Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Hoggaamiye sheekh aadan madoobe oo soo xiray shirka banbaxa golaha wasiirrada kgs

Sawiro;-Hoggaamiye sheekh aadan madoobe oo soo xiray shirka banbaxa golaha wasiirrada kgs

1
0

Isiin 27 July 2026 {CBB}Baydhabo, 27 Luulyo 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed, oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Baydhabo.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta dowladnimada, horumarinta hoggaaminta hufan, iyo tayeynta adeegyada ay dowladdu u hayso shacabka. Waxaa ka qeyb galay xubnaha Golaha Wasiirrada iyo khubaro ka socday Jaamacadda Ummadda, kuwaas oo si qoto dheer uga dooday mideynta qorshayaasha shaqo, dardargelinta barnaamijyada mudnaanta leh, iyo kor u qaadidda isla xisaabtanka iyo hufnaanta maamulka.

Intii uu socday shirka, waxaa sidoo kale lagu lafaguray xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha Dowladda Koonfur Galbeed si loo gaaro horumar waara oo wax ku ool ah.

Khudbaddiisa xiritaanka, Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku ammaanay Golaha Wasiirrada dadaalkooda iyo ka qeybgalka firfircoon ee doodaha iyo qorsheynta, isagoo carrabka ku adkeeyay in natiijooyinka ka soo baxay shirka ay yihiin tiir muhiim u ah dardargelinta waxqabadka dowladda iyo gaarsiinta adeegyo tayo leh bulshada.

Ugu dambeyn, Hoggaamiyaha ayaa faray dhammaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda inay si mideysan u hirgeliyaan qorshayaasha lagu heshiiyay, isla markaana mudnaan gaar ah la siiyo adeegyada bulshada, horumarinta maamulka, amniga, kobcinta dhaqaalaha, iyo xoojinta isla xisaabtanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here