Talaado, July 28 2026 {CBB}Xuutiyiinta Yemen ayaa saacado ka hor sheegay inay weerar ay u adeegsadeen diyaarado aan duuliye lahayn ku qaadeen xarumo muhiim u ah soo saarista ishidaalka ee bariga Sacuudi Carabiya.
Sawirro dayax-gacmeed ayaa hadda muujinaya qiiq ka kacaya xarunta shidaalka ee Abqaiq ee Sacuudi Carabiya.
Tani waa markii ugu horreysay ee la soo sheego weerar ay Xuutiyiinta, oo xulafo la ah Iiraan, ku qaadeen xarunta Abqaiq.
Abqaiq waa mid ka mid ah xarumaha ugu waaweyn adduunka ee lagu sifeeyo saliidda cayriin, hab lagu diyaariyo saliidda si loogu kaydiyo haamaha waaweyn loogana dhigo mid ammaan u ah gaadiidka iyo dhoofinta.
Xaruntan waxaa si gaar ah loogu talagalay inay diyaariso saliidda loo gudbiyo tuubbada West–East Pipeline ee Sacuudi Carabiya, taas oo u oggolaanaysa dalka inuu saliiddiisa uu ka dhoofiyo Badda Cas iyo Kanaalka Suweys, isagoo aan u baahnayn inuu mariyo Marinka Hormuz.
Iiraan weli wax hadal ah kama aysan soo saarin dhacdadan.
Dhanka kale, Wasaaradda Difaaca Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in weerarrada lagu qaaday xarumaheeda ay fuliyeen maleeshiyaad Ciraaqi ah oo xiriir la leh Iiraan, waxayna caddeysay inay xaq u leedahay inay ka jawaabto weerarradaas.







