Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Xil Wareejin Ku-meel-gaar ah oo ka dhacday Degmada Baydhabo

Sawiro;-Xil Wareejin Ku-meel-gaar ah oo ka dhacday Degmada Baydhabo

3
0

Talaado, July 28 2026 {CBB}Baydhabo – Guddoomiyihii hore ee Degmada Baydhabo, isla markaana ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdiraxmaan Sate, ayaa si ku-meel-gaar ah xilka ugu wareejiyay Ku-simaha Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Mudane Faysal Maxamed Duuble.

Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday xarunta Dowladda Hoose ee Degmada Baydhabo ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdiraxiin Maxamed Laamey, Guddoomiyaha Gobolka Baay, Mudane Cali Wardheere Dooyow, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed.

Xil wareejintan ku-meel-gaarka ah ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo hannaanka maamulka Degmada Baydhabo, iyadoo maamulka cusub loo rajeynayo inuu si hufan oo masuuliyad leh u guto waajibaadka iyo xilalka loo igmaday, si loo xoojiyo adeegyada iyo maamulka degmada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here