Home WARARKA MAANTA WASIIRKA AMNIGA KOONFUR GALBEED OO GUDDOOMIYEY SHIRKA AMNIGA

WASIIRKA AMNIGA KOONFUR GALBEED OO GUDDOOMIYEY SHIRKA AMNIGA

1
0

Arbaco, July 29 2026 {CBB}Baydhabo, 29 Luuliyo 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Isaag Maxamed Isaag (Korsaar), ayaa maanta guddoomiyey Shirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga guud iyo dardargelinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga, Agaasimaha Wasaaradda iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida, kuwaas oo si qoto dheer uga wada hadlay xaaladda amni ee deegaannada Koonfur Galbeed, caqabadaha jira iyo qorshayaasha lagu xoojinayo nabadda iyo kala dambeynta.

Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah loo falanqeeyey sidii loo kordhin lahaa feejignaanta ciidamada, looga hortagi lahaa falalka lidka ku ah amniga, isla markaana loo dardargelin lahaa howlaha lagu ilaalinayo xasilloonida iyo badqabka shacabka.

Wasiir Isaag Maxamed Isaag (Korsaar) ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladda Koonfur Galbeed ay mudnaanta koowaad siinayso xaqiijinta amniga shacabka, isagoo ku baaqay in la laba jibbaaro dadaallada lagu sugayo amniga magaalooyinka iyo deegaannada kale.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta ka dhaxaysa hay’adaha amniga iyo bulshada, si loo xaqiijiyo amni waara iyo xasillooni buuxda oo laga hirgeliyo guud ahaan deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here