Sabdi 1 Agoosto 2026 {CBB}Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor, G/Sare Saahid Jaamac Jaamac Faarax, ayaa kormeer shaqo ku tagay degmada Ceeldheer ee bariga gobolka Galgaduud.
Taliyaha ayaa waxaa si diirran halkaasi ugu soo dhaweeyay Taliyaha Guutada 17-aad ee Kumaandooska Qeybta 1-aad ee Gorgor iyo saraakiisha guutada.
Kormeerka ayaa ujeeddadiisu ahayd u kuurgalka xaaladda amniga degmada, la kulanka saraakiisha iyo ciidamada ku sugan halkaasi, iyo dhiirigelinta ciidamada ee gudashada waajibaadkooda qaran.







