Sabdi 1 Agoosto 2026 {CBB}Meydka muwaadin Soomaali ah ayaa saakay aroortii laga helay Xaafadda Korsten magalada port elizabeth ee Wadanka Koofur Africa
Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Ciise Abdulahi oo ku magac dheeraa Ugaaska ayaa xalay Saqdii dhexe lagu dilay bartamaha Xaafadda Korsten ee magalada Port elizabeth ee Gobalka Eastern Cape Ee Dalka Koonfur Afrika.
Xubno kamid ah Jaaliyadda ayaq xaqiijiyay geerida muwaadinka Soomaaliyeed ee la dilay xalay Saqdii dhexe waxaana ay sheegeen in Haatan Booliska Koonfur Afrika ee magalada Gqeberha ay baarayaan dhacdada dilka ah







