Sabdi 1 Agoosto 2026 {CBB}Xisbiga Awoodda Shacabka ayaa ku dhawaaqay inuu si rasmi ah uga baxay Midowga Haybad Qaran, isagoo sheegay in go’aankaasi uu ka dhashay kala aragti duwanaansho ku saabsan jihada siyaasadeed ee uu qaatay isbahaysiga.
Warsaxaafadeed uu soo saaray xisbigu ayaa lagu sheegay in markii uu ka mid noqday tobankii xisbi, urur iyo madal siyaasadeed ee aas-aasay Midowga Haybad Qaran uu rumaysnaa in iskaashigu horseedi karo xal qaran oo ku dhisan wada-tashi, dowladnimo iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.








