Talaado 3 Augsto 2026 {CBB}Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay Shirka Khubarada Militari ee dalalka taageera Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo gogol-xaar u ah Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca.
Shirka ayaa lagu falanqeeyay diyaarinta qorshe hawleed lagu dardargelinayo hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, xoojinta wadaagista xogaha sirdoonka iyo isku-duwidda ciidamada.
Qorshaha ay diyaariyeen khubarada ayaa loo gudbin doonaa Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca si ay u ansixiyaan, iyadoo la doonayo in lagu xoojiyo amniga, xasilloonida iyo dadaallada lagu ciribtirayo argagixisada.







