Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Wasiiro ka tirsan Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay...

Sawiro;-Wasiiro ka tirsan Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Hay’adaha Qaramada Midoobay

1
0

Isniin 3 Agoosto  2026 {CBB}Muqdisho, Soomaaliya – Wasiiro ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo safar shaqo ku jooga Magaalada Muqdisho, ayaa kulan muhiim ah la qaatay madaxda hay’adaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan hay’adaha UNICEF iyo FAO.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta mashaariicda horumarineed, gaar ahaan adeegyada bulshada ee la xiriira dhinacyada caafimaadka, biyaha, arrimaha bini’aadannimada, iyo horumarinta wax-soo-saarka dalka.

Mas’uuliyiinta ayaa isla qaatay xoojinta wada-shaqeynta si loo hubiyo in bulshada ku nool deegaanada Dowladda Koonfur Galbeed ay helaan adeegyo tayo leh oo waara, kuwaas oo kor u qaadaya nolol wanaagga iyo horumarka guud ee bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here