Isniin 3 Agoosto 2026 {CBB}Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi Bari kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Gobolka Sool isaga oo kala hadlay arrimo dhowr ah.
Xamsa Cabdi Barre oo ay dhinac fadhiyaan mas’uuliyiin heer Federaal ah iyo kuwa Maamulka Waqooyi Bari ayaa dhagaystay talooyinka dadkii uu la kulmay isaga oo bogaadiyay nabadgalyada deegaannada Maamulkaas.
Muddada uu Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi uu joogayo Deegaannada Maamulka Waqooyi Bari waxa uu la kulmayaa mas’uuliyiin katirsan Maamulkaas, Duubabka Dhaqanka iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada.







