Isniin 3 Agoosto 2026 {CBB}Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen duullaankii ugu dambeeyay uu qorsheeyay in uu ku qaado Dalka Iiraan balse markii dambe uu shaaciyay in uu baajiyay.
Trump ayaa Dalalkaas ku sheegay in ay kala yihiin Sacuudi Carabiya, Isutagga Imaaraatka Carabta, Qatar iyo Iiraan oo ah Dalkii uu duullaankaas la damacsanaa oo markii uu ku dhawaaqayay weerarka cusub shaacisay inay diyaar u tahay iska caabbin Washington.
Falcelin xooggan ayaa ka dhalatay arrintaas maadaama aanay suuragal noqon Karin inay Iiraan ka codsato ka joojinta duullaankaas mar haddii ay isla todobaadkaan ay shaacisay in ay jawaab ka bixin doonto weerarrada uga imaanaya Isbahaysiga Maraykanka.
“Wax weliba waxa ay ahaayeen kuwo diyaarsan balse waxaan ku joojinay codsi nooga yimid Sacuudiga, Imaaraatka, Qatar & Iiraan, waxa aan is dhahnay aan waxyar sugno waxa dhacaya maadaama Dalalka Saaxiibada nala ah ay codsigaas soo dirsadeen” Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa sidaasi yiri.
Maraykanka ayaa loo arkaa in uu ka fakiray khasaaraha kasoo gaari karo duullaan uu xiligaan ku qaado Dalka Iiraan oo horay u beegsaday Saldhigyada Militariga Washington ay ku leedahay Dalalka Carabta kuwaas oo khasaara xooggan kasoo gaartay.







