Axad 2 Agoosto 2026 {CBB}Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta u ambabaxaya magaalada Boosaaso, kaddib markii uu baajiyay khudbad uu xalay ka jeedin lahaa magaalada Garoowe oo ku saabsaneyd munaasabadda xuska 1-da Agoosto.
Sida ay sheegayaan wararka la helayo, Madaxweyne Deni ayaa Boosaaso kula kulmi doona wafdi ka socda Mareykanka oo uu hoggaaminayo Major General Claude K. Tudor Jr..
Kulanka ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, gaar ahaan sugidda amniga badaha, la-dagaallanka argagixisada iyo budhcad-badeedda, iyo iskaashiga labada dhinac ee arrimaha amniga gobolka.
Wafdiga Mareykanka ayaa sidoo kale shalay booqasho ku tagay Somaliland, halkaas oo ay kulan kula yeesheen Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Kulamadan xiriirka ah ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan wada-shaqeynta dhinaca amniga ee Mareykanka iyo maamullada kala duwan ee Soomaaliya, iyadoo gobolka uu wajahayo caqabado la xiriira amniga, argagixisada iyo amniga marin-biyoodka Gacanka Cadmeed.







